Buuga The Lean Startup ee uu qoray Eric Ries waa mid ka mid ah buugaagta ugu caansan ee nuxurkoodu yahay sida loo bilaabo ganacsi cusub iyo sida loo hirgaliyo hal-abuur si caqli gal ah. Waa buug si weyn loogu taliyay dadka doonaya inay bilaabaan ganacsi, gaar ahaan kuwa ku jira marxalada hore ee Startup-yada
Muxuu Buuggu Ka Hadlayaa?
Buuggu waxuu diiradda saarayaa hab cusub oo lagu dhiso ganacsiyada yaryar iyada oo la adeegsanayo falsafadda "Lean" (la macno ah: dhaqaale iyo waxtar leh). Waxa uu ku dhiirigalinaya ganacsatada inay ka fogaadaan wax-is-daba-marin iyo kharash badan, halki ay si tartiib ah u tijaabin lahaayen fikradooda.
Qodobada Ugu Muhiimsan
1. Build-Measure-Learn (Dhis-Cabir-Baro)
Tani waa habka udub dhexaadka u ah buugga. Waxay ka kooban tahay:
● Dhis - Samee nooca koowaad ee badeecadaada (Minimum Viable Product - MVP).
● Cabir - Qiimee sida macaamiishu uga falcelinayaan.
● Baro - Ka baro xogta aad ururisay si aad horumar u samayso.
2. MVP (Minimum Viable Product)
Buuggu wuxuu xoojinaya muhiimada ah in badeecada ama adeega la tijaabiyo marxaladda hore, halki laga sugi lahaa inuu noqdo mid dhamaystiran. Tani waxay yareynaysa khasaaraha waqti iyo dhaqaale ahaan.
3. Pivot vs. Persevere
● Pivot - Haddii fikraddaadu shaqeyn weydo, beddel jihada oo raadso wax ka duwan.
● Persevere - Hadii xogtaadu muujiso in dadku xiiseynayaan, sii wad dadaalka oo horumari badeecadada.
4. Innovation Accounting
Eric Ries wuxu xusay in startup-yadu aysan u shaqeyn sidii shirkadaha waaweyn. Sidaa darteed, waa in ay helaan hab ay ku cabiraan horumarkooda, iyaga oo aan isku helleyn kaliya faa'idada dhaqaaladeed.
Maxaa Laga Bartaa?
● Ha sugin in badeecadaadu noqoto mid dhamaystiran - bilaaw wad fudud, ka dibna horumari.
● Adeegso xogta si aad u fahanto baahida macaamiisha.
● Ha ku dhegin fikrad guul-daraysatay - baddel jihada hadii loo baahdo.
● Startup-gu maaha shirkad waaweyn, waana in uh leeyahay dabacsanaan iyo tijaabo joogto ah
Gunaanad
Buugga The Lean Startup waa mid muhiim u ah qof kasta oo raba inuu bilaabo ganacsi cusub. Wuxuu kaa caawinaya inaad si caqli gal ah u wajahdo hal-abuurkaaga, adigo isticmaalaya hab tijaabo ah oo degdeg ah. Hadii aad tahay ganacsade ama aad rabto inaad Startup bilawdo, buuggan waa lama huraan.
Su'aal: wali ma akhriday buug ka hadlaya gacansiga oo ku anfacay, hadii uu jiro nala wadaag.
0 Comments