LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay cryptocurrency ?

 


Cryptocurrency waa lacag digital ah oo loo adeegsado ganacsiga online-ka. Waxay ku shaqaysa iyadoo aan ku xidhnayn bangiga dhexe ama dawlada. Halki lacagta caadiga ah (dollar/shiling) ka laga isticmaali lahaa cryptocurrency waxa xukuma habka lootaqaan blockchain oo ah nidaam diwaangaliya macamisha si fudud oo amaan ah 

Sida ay u shaqayso cryptocurrency 

Cryptocurrency waxa lagu aasaasay technolojiyada loo yaqaan blockchain . Blockchain waa diwaan cad oo lagu kaydiyo macamisha cryptocurrency oo lagu kala qaybiyo servero badan oo dunida daafaha kajira. Tani waxay ka dhigaysa inay adag tahay in la xado ama labadalo xogta 

Cryptocurrency-yada intooda badan waxay ku shaqeeyaan habka loo yaqaan decentralisation taas oo macnaheedu yahay in aanay jirin  hal cid oo awood buuxda u leh inay xukunto lacagtaas  
Waxa isticmaalkoda xoojiya isticmaalayasha caalamka iyagoo u isticmaalaya ganacsi, maalgasi iyo adeegyo kala duwan 

Noocyada cryptocurrency 

Waxa jira kumanan nooc oo cryptocurrency ah. Kuwa ugu caansan waxa kmid ah 
1. BITCOIN (BTC): waa cryptocurrency gii ugu horeeyay ee la sameeyo sanadki 2008. Waxay wali tahay mida ugu qiimaha badan 

2. ETHEREUM (ETH): waa lacag digital ah oo sido kale loo isticmaalo samaynta smart contracts iyo abuurista barnaamjiyo cusub oo blockchain ah 

3. RIPPLE (XRP): waxa loogu talo galay in lagu fududeeyo lacag-dhaqangalinta caalamiga ah 

4. LITECOIN (LTC): waxa ah ka fududahay bitcoin marka loo eego xawaaraha macamilka

5. BINANCE COIN (BNB): waxa isticmaalaya dadka ku ganacsada suuqa binance 

Faa'idooyinka cryptocurrency 

1. Degdeg iyo raqiis: macaamiilada cryptocurrency waxay ka dagdag badan yihiin oo kharashkoodu aadbu u yar yahay 
Marka loo eego hababka dhaqanka ee bangiyada

2. Xornimo maaliyadeed: waxay ka madax banaantay dawladaha iyo bangiyada dhexe taasoo siinaysa xoriyad buuxda

3. Amaan iyo qarsoodi: technolojiyada blockchain waxay hubisa in lacagahaaga si amaan ah loo ilaaliyo 

Gunaanad

Cryptocurrency waa hab cusub oo lagu sameeyo lacag laguna maalgashado mustaqbalka. Hadii aad rabto in aad ku biirto caalamka cryptocurrency waa muhiim in aad barato cilmigeeda iyo sida ay u shaqayso xasuusnow wax walba oo cusub waxay u baahanyin aqoon adkaysi iyo qoshe wanaagsan 

Post a Comment

0 Comments