Dhalinyarada iyo wakhtiga:
Dhalinyaradu waa mustaqbalka bulshada, dalka, iyo dunida guud ahaan.
Wakhtigu waa khayraad qiimo badan leh. Waana hanti aan dib loo heli karin.
Waxa muhiim ah in dhalinyaradu fahmaan qiimaha wakhtiga oo ay si wanaagsan u maareeyaan.
Sida loo isticmaalo wakhtiga aya si toos ah ugu sameeya nolosha iyo guusha qofka .
Wakhtiga waa hanti:
Wakhtiga waa hanti ay tahay in qof kasta ka faaidaysto. Dhalinyarada badankoodu waxa ay haystaan wakhti badan laakin waxa laga yaaba inay ku lumiyaan hawlo aan muhiim ahayn sida ciyaaraha xad-dhaafka ah, fadhi ku dirirka, ama isticmaalka badan ee baraha bulshada.
Waa muhiim in la ogaado in wakhtigu marka uu tago,in aan dib looso celin karin. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in wakhtiga loo isticmaalo waxyaabo wax ku ool ah .
Muhiimada waxbarashada iyo horusocodka:
Wakhtiga dhalinyarada waxa si wayn loogu isticmaali karaa waxbarashada. Barashada xirfadaha cusub, aqoonta, iyo korriinka shakhsi ahaaned waa mid kamid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo wakhtiga si hufan. Waxa kale oo muhiim ah in dhalinyaradu ay bartaan xirfado shaqo, la qabsadaan technolojiyada, iyo inay ka qaybqaatan hawlaha bulshada. Marka wakhtiga si wanaagsan loo isticmaalo, waxa la helaa fursado badan oo nolosha lagu horumariyo.
Wakhtiga iyo isbadalka bulshada:
Dhalinyaradu waa kuwa leh awooda isbadalka iyo horumarka bulshada. Waxa la ogyahay in dhalinyarada ay tahay qayb muhiim ah oo kamid ah xalintta dhibaatoyinka bulshada iyo horumarinta dhaqalaha. Wakhtiga iyo dadaalka dhalinyarada aya si toos ah u saameeya heerka horumarka ee bulshooyinka. Waxana la gudboon in dhalinyarada ay diirada saaran sidi ay wakhtigooda ugu bixin lahaayen horumar iyo guul .
Gunaanad:
In dhalinyarada ay fahmaan qiimaha wakhtiga iyo sida loo maareeyo waa arin muhiim u ah noloshooda. Wakhti ku luminta waxyaabaha aan muhiim ka u ahayn waxay carqaladayn karta mustaqbalka iyo guusha. Waxa muhiim ah in lasii kordhiyo wacyi galinta ku saabsan sida loo isticmaalo wakhtiga si hufan, loona gaadho guul iyo horumar.
Gabagabo:
Sidaas darteed, dhalinyarada waa in ay fahmaan qiimaha wakhtiga iyo sidi ay u isticmaali lahaayen. Si ay ugu guulaystan noloshooda, bulshadoodana u anfacaan.
0 Comments