Dalxiisku waa hab cajiib ah oo qofku uga baxo caadiga nolosha, uuna la kulmo quruxda dabiiciga ah ee aduunka. Meelaha dalxiiska ee ugu fiican waxay dadka siisaa fursad ay ku arkaan dhammaan muuqaalada quruxda badan ee dabiiciga ah, sida buuraha, xeebaha, iyo meelaha ay dhirtu ku badan tahay. Dalxiiska sido kale wuxu gacan ka gaysan karaa kor u qaadista dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqanka iyo deegaanka.
Goobaha dalxiiska ee cajiibka ah:
1. Buuraha
Buuruhu waa meelaha ugu xiisaha badan ee lagu dalxiiso. Dhirta hawada, hawada nadiifta ah iyo aragtida quruxda badan ee ay bixiyaan aya si wayn uga dhigaya kuwa loo raadsado. Buuraha ugu caansan dhulkeena waxa kamid ah BUURAHA SILSILADA AH EE GOLIS, kuwaas oo ku yaal gobolka sanaag iyo qaybaha kale ee somaliland. Aragtida buuraha iyo deegaanka ku hareeraysan waxay soo jiidanayan dalxiisayasha raadinaya nasasho iyo xiiso.
2. Banaanada iyo baadiyaha
Meelaha baadiyaha ah ee soomaliya waxay soo bandhigayaan muuqaal aan caadi ahayn
Oo dabiici ah, taas oo aad u xiiso galinaysa dalxiisayasha jecel inay sahamiyaan dhulka iyo deegaanka dabiiciga ah. Baadiyaha GEDO, iyo deegaanka SHABEELAHA DHEXXE waa goobaha ay ka buuxaan dhirta cagaaran, dooxooyin qurux badan, iyo illo biyo badan.
3. Xeebaha:
Xeebaha somalida waxay caan ku yihiin biyaha torquoise ah iyo ciidda cad ee quruxda badan XEEBTA LIIDO ee muqdisho iyo XEEBTA BARBARA waxay kamid yihiin meelaha ugu wanaagsan ee dalxiiska xeebaha. Bada xasilloon iyo goobaha dalxiisuhu ku raaxaysan karo
4. Meelaha dhirtu ku badan tahay:
Somaliya waxay leedahay goobo badan oo dhir badan leh, gaar ahaan deegaannada hawdka iyo koonfurta. Deegaanka NUGGAAL iyo buulayda DHUUSOMAREB waxay leeyihiin dhir kala duwan iyo noocyo kala duwan oo duurjoog ah, taas oo ka dhigaysa meelaha ugu fiican ee lagu dalxiiso isla markaana aad ugu raaxaysan karto nabada iyo quruxda dabiiciga ee deegaanka.
Goobaha dalxiiska ugu wanaagsan ee soomaaliya:
1. Laasgeel (somaliland)
Laasgeel waa goob taariikhi ah oo caan ku ah farshaxanka dhaggaxa ah ee qarniyo hore lagu sameeyay. Waa meel aad u xiiso badan oo loogu talo galay dalxiisayaasha jecel taariikhda iyo dhaqanka.
2. Berbera (somaliland)
Xeebaha berbera aya kamid ah goobaha ugu caansan dalxiiska xeebaha ee soomaaliya. Waa meel ku haboon dadka doonaya inay ku raaxaystaan xeebaha quruxda badan iyo badda nadiifta ah.
3. Boosaaso (puntland)
Boosaaso waa magaalo xeebeed ku taal bariga somaliya oo leh biyo dhaqameed iyo dhisme qurux badan. Waxay noqotay meel caan ku ah dalxiisayaasha doonaya inay sahamiyaan xeebaha iyo buuralayda deeggaanka.
4. Ceerigaabo (somaliland)
Ceerigaabo waa magaalo ku taala buuralayda sanaag, oo caan ku ah muuqaalka dabiiciga ah ee deegaanka waxana la odhan kara waa meesha ugu mudan ee lagu dalxiisi karo guud ahan dhulka somalida, waxa ku yaal goobo badan oo dalxiis oo ay kamid yihiin buuraha DAALO, SURRAD, MIDHISHO, GAACIDH, iwm waa meel laga heli karo dhul beereedyo waawayn iyo waliba illo biyo ah OK burqanaya.
5. Kismaayo (jubaland)
Xeebaha kismaayo waxay soo jiidanaysa indhaha dalxiisayal badan oo ka imanaya gudaha iyo dibada dalka. Kismaayo waxay leedahay xeeb qurux badan iyo adeegyo dalxiis oo wanaagsan. Taas oo kadhigaysan goob ku haboon dalxiiska iyo tamashlaynta.
Gunaanad
Dalxiisku waa hab wanaagsan oo lagu sahamiyo meelaha quruxda badan ee dabiiciga ah sida buuraha, xeebaha, baadiyaha, iwm Dhamanten waxa aynu jecelnahay in aynu ku dalxiisno wadamada aduunka sida Switzerland hadaba maxa inoo diidaya in aynu ku dalxiisno dhulkeena hooyo ee aadka uquruxda badan
Dhalinyaradeena maanta intooda badan waxa ay ka cabanayan xanuuno nafsi ah oo ay kamid yihiin murugo, stress, family problem, shaqo la'aan iwm hadaba dhaman xanuunadas nafsiga ah waxa dawo u ah aya ah dalxiiska iyo jawi badalashada. Quraanka iyo diinteenu way dhiirigalinayan in lagu socdo dhulka .Hadaba dhalinyaro waxan idinkula talin laha in aad socotaan oo aad jawi badalatan ugu yaraan aad gaadhan tuulada kugu dhaw waliba kaligaa.
0 Comments