LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay copywriteng?

 


Copywriteng waa xirfad muhiim ah oo ku saabsan qorista qoraalo hal-abuur leh oo saamayn leh kuwaas oo loogu talo galay in lagu qanciyo akhristaha in uu qaado tallaabo gaar ah. Tani waxay noqon kartaa iibsashada badeecad, rukumashada adeeg, ama xita ku biirista liiska email-ka shirkada.

Copywriteng waa tiir muhiim ah oo ay ku dhisan tahay suuq-gaynta casriga ah waxana adeegsada shirkado waawayn iyo ganacsiyo yaryar oo doonaya inay soojiitan macamil cusub.

Maxay Copywriteng ka dhigaysa mid gaar ah 

Copywriteng waxay diirada saarta hal-abuurnimada iyo isdhex galka akhristaha. Waxa muhiim ah in qoraalka

1. KALSOONI GALIYO: waa in uu akhristaha tusaa sida badeecad ama adeeg uu u xalin karo dhibaatada uu kaqabo

2. QANCIN LEH: waa in qoraalku leeyahay cod dabiici ah oo akhristaha ka dhaadhicinaya in uu talaabo qaado

3. KOORSO U LEH FICIL: qoraalka ugu dambeeya waa in uu lahaado call-to-action (CTA) sida "iibso hada" ama "is diwaangali" ama "soo dalbo."

Noocyada Copywriteng ka 

Waxa jira dhawr nooc oo Copywriteng ka ah waxana kamid ah:

1. Qoraalka iibka (sales copy): waxana loogu talo galay in si toos ah loo xayaysiiyo badeeco ama adeeg.

2. Qoraalka blog-ka: waxa loo isticmaala in lagu faafiyo aqoon ama la wacyi galiyo dadwaynaha iyadoo la is dhexgalinayo suuq-gaynta.

3. Qoraalka Email-ka: waxa loo adeegsada ololayaal suuq-gayneed ama email-ka .

4. Qoraalka wabsite-ka: waxa loo sameeya boggaga hore (homepage) bogaga alaabta (product pages) iyo bogaga adeegyada (service page)

5. Qoraalka warbaahinta bulshada: waxa loogu talo galay in lagu soo jiito oo lala fal galo dadka kujira baraha bulshada sida Facebook, Instagram, iyo LinkedIn 

Talooyin muhiim ah oo ku saabsan Copywriteng ka 

1. Soo jiid dareenka akhristaha: ciwaankaga waa inuu ahaada mid soo jiidasho leh hadii ciwaanka xiiso lahayn akhristaha ma sii wadayo inuu akhriyo tusaale "sidee ku noqon kartaa Copywriter guulaysta 30 maalmod gudahood?"

2. Dhibaatada xal u noqo: fahan baahida ama dhibaatada akhristayaasha kadibna bixi xal. Tusaale hadii aad suuq-gaynayso software u sheeg sida uu software kaas u fududaynayo shaqada macaamiisha. 

3. Adeegso ereyo saamayn leh: ereyada sida "dhakhso" "dammanad" "qarsoodi" iyo "lacag-badbaadin" waxay kordhiyaan xiisaha akhristaha 

4. Ka fogow luuqada farsamada: Copywriteng aaa in ay noqotaa mid fudud oo akhristaha caadiga ah uu si sahlan u fahmi karo.

5. Kudar CTA (CALL-TO-ACTION) ha iloobin inaad akhristaha u sheegto waxa uu sameeyo marka uu qoraalkaaga akhriyo Tusaale "guji halkan si aad u bilowdo hada!"

Sidee loo noqon karaa Copywriter wanaagsan?

Ku tababaro qorista: si joogto ah u samee qoraalo cusub si aad u wanaajiso xirfadaada 

Baro aasaaska suuq-gaynta: fahamka suuq-gaynta ayaa kaa caawin doona inad qorto qoraalo wax ku ool ah .

Isticmaal tools-ka saxda ah: adeegyada sida grammarly iyo hemingway app waxay kaa caawin karaan hagaajinta tayada qoraalkaaga.

Raadi khibrad: bilow inad qoraalo u qorto ganacsiyada yaryar ama blog-gaaga si aad u heshe waaya aragnimo.

Gunaanad

Copywriteng waa xirfad muhiim ah oo qof walba oo kujira ganacsi ama suuq-gayn uu ka faaidi karo. Waa hab cajiib ah oo lagu abuuro qoraallo saamayn leh, kuwaas oo kaa caawin kara ganacsiyada inay gaaraan yoolalkooda. Hadii aad xiisaynayso xirfadan isku day inad si joogto ah u barato una dhaqan galiso talooyinka aan kor kusoo sheegnay.

Miyaad xiisaynaysa inad noqoto Copywriter?

Post a Comment

0 Comments