LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay forex trading?


 Forex (foreign exchange) waa suuq caalami ah oo lagu iibsado lana kala iibsado lacagaha aduunka. Waa mid kamid ah suuqyada ugu wayn uguna dhaqalaha badan caalamka oo maalinki lagu sameeyo ganacsi dhan in kabadan $7 trillion. Forex wuxu kuu ogolaanaya inaad faa'iido ka hesho isbadalada qiimaha lacagaha kala duwan sida dollar (USD) euro (EUR) pound (GBP)

Sida forex u shaqeeyo 

Ganacsiga forex wuxu ku salaysan yahay lammaane lacageed (currency pairs) tusaale ahaan hadii aad ganacsanayso EUR/USD waxad rajaynaysa in midkood qiimihiisa uu kordho ama hoos u dhaco marka loo eego midka kale hadii aad saadaalin sax ah samayso faa'iido ayad heli karta

Ganacsatada forex waxay adeegsadan barnaamjiyo loo yaqaan trading platforms, sida MetaTrader4 (MT4) ama MetaTrader5 (MT5) si ay ugu fuliyaan ganacsigooda

Maxaa lagaa raba si aad forex ugu ganacsato 

1. Barashada suuqa: faham sida suuqu u shaqeeyo, lacagaha muhiim ka ah iyo saamaynta wararka dhaqaale 

2. Isticmaalka demo account: ka bilow xisaab tijaabo ah si aad u barato ganacsiga adoon lumin lacag dhab ah 

3. Qorshe ganacsi: sames qorshe ku salaysan yoolalkaaga iyo istiraatijiyada aad u adeegsanayso ganacsiga 

4. Maaraynta khatarta: waliga halis hagalin lacag ka badan inta aad lumin karto 

Maxay tahay faaidada iyo khatarta forex

Faa'iidooyinka

1. Waxa lagu ganacsan kara 24 saac maalinki

2. Waxad heli karta forsado badan oo faa'iido leh

3. Waxa jira leverage oo kuu suurto galiya inad lacag yar ku ganacsato

Khatarta

1. Forex waa suuqa ugu halista badan hadii aan si wanaagsan loo fahmin

2. Leverage aya kordhin kara khasarahaaga

3. Saamaynta wararka dagdaga ah aya qiimaha lacagta isbadal ku samayn kara si lama filaan ah

Gunaanad

Forex trading waa fursad wanaagsan oo faa'iido laga heli karo laakin waxay u baahan tahay aqoon, dulqaad, iyo khibrad hadii aad qorshe leedahay oo aad si taxadar leh ugu ganacsato waxad noqon karta mid guulaysta

Hadaba diyaar ma utahay inad safar cusub ku bilawdo forex trading?


Post a Comment

0 Comments